Sign in to follow this  
Deeq A.

banaan-bax looga horjeedo dilka wiil Soomaali ah oo ka dhacay Minneapolis

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah Bulshada Magaalada Minneapolis oo careysan ayaa isugu soo baxay goobta uu ka dhacay dil toogasho ah oo ay booliska magaaladaas u geysteen wiil Soomaali-Mareykan ah.

Doolaal B. Ciid, oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo.

Goobtaas ayaa wax ka yar hal meyl u jirta meeshii ay booliska Minneapolis bishii May ku dileen George Floyd, oo ahaa nin madow ah.

Dad goob joogeyaal ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.

Cabsida ugu weyn ee ay laamaha amniga ka qabeen isu soo baxa dadka deegaanka ayaa ahayd in arrintu ay isu baddasho dibadbaxyadii daba socday dilkii George Floyd, kuwaasoo gilgilay guud ahaan Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post banaan-bax looga horjeedo dilka wiil Soomaali ah oo ka dhacay Minneapolis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this