Deeq A. Posted January 2, 2021 Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Barrow oo ka tirsan gobolkaasi Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarun ay Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee Andalus ku laheyd halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaas burbur xoogan lagu gaarsiiyey qalabka iyo dhismaha Idaacacadda, kadib markii lala eegtay gantaallo diyaaradeed. Dhinaca kale qooraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerarkaasi, iyada oo lagu sheegay in uusan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay duqeyntan, balse uu burbur gaaray qalabka Idaacadda Andalus ee xarunteeda Kuunya-Barrow. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay duqeyntaasi, iyada oo sidoo kale aysan weli ka hadlin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab View the full article Share this post Link to post Share on other sites