Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdo Naxdin Leh: Wiil Dhallinyaro Ah Oo Sheekh Caan Ah Ku Dilay Dalka Australia

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Australia)-Wararka laga helayo Magaalo ka tirsan dalka Australia ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay nin Soomaali ah oo siweyn loo yaqaanay ahaana Sheekh Caan ah.

Dilka loo geystay ninkan Soomaaliga ah ayaa sigaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Melbourbe, isla markaana waxaa dilkaas loo adeegsaday toorey ama Mindi.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed, waxaana la sheegay inuu dilka u geystay Wiil dhalinyaro ah oo uu saarayay Qur’aan, isagoo qeybaha sare ee Jidhka kaga dhuftay tooreey uu watay.

“Waxaa dilay wiil dhalinyaro ah uu quraan saarayay, marki quran Saarka lagu bilaabay ayuu wiilka dhinaca jikada mindi kasoo qaatay kadib sheekha ayaa isku dayay in uu ka qaado markasuu ku dilay Allaha unaxariisto” ayuu yidhi qof ku sugan Australia.

Dad Soomaali ah oo ku sugna Melbourbe ayaa markii hore gurmad u sameeyay Sheekh Maxamed oo ula cararay xarun Caafimaad, si loogu daaweyo, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this