Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre iyo Guuleed oo kulan gaar ah ku yeeshay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
2.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa xalay Garoowe kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Kulanka labada mas’uul waxa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka wakhtigan kala guurka ah gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2021 oo weli muran ka taaganyahay.

Khayre iyo Guuleed waxay ka wada qayb-gelayan Shirka Madasha Aragti wadaagga Heritage oo Garoowe ka socda kaas kulmiyay mucaarad iyo muxaafid badan.

Ra’iisul wasaarihii hore Xassan Cali Khayre oo u sharraxan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ee Doorashada 2021 wuxu intu Garoowe joogay kulamo kula yeeshay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Khayre iyo Guuleed oo kulan gaar ah ku yeeshay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this