Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo war ka soo saaraty dilka xilldhibaan Khaliif

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay dilka xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaasi.

Allaha u naxariistee xildhibaanka ayaa ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray xildhibaanada baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Jubbaland.

Halkan hoose ka aqriso:-

NNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

MadaxweynahaJubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku xireen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this