Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo tababaro siineyso Booliiska Soomaaliya + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

AMISOM ayaa bilowday tababar ku saabsan ilaalinta ammaanka doorashooyinka oo la siinayo xubno ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo isugu jira heer Federaal iyo kuwo dowlad goboleedyada.

Tababarka oo  socon doonaa 14 cisho ayaa ka dhici doona  Banaadir, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabelle

Xubnaha tababarka ka qeyb galaya ayaa la bari doonaa xirfado ku saabsan hannaanka loo ilaaliyo ammaanka doorashooyinka.

Wajiga hore ee tababarka oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday booliska maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed ayaa horay loogu qabtay magaalooyinka Beydhabo iyo Jowhar .

AMISOM waxay kaloo sheegtay in meelaha kale ee haray, iyagana dhawaan uu tababarka ka bilaaban doono.

Taliyaha ciidanka booliska AMISOM Thaimu Balie ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn ee tababarada ay tahay sidii ciidanka booliska Soomaaliya ay u hogaamin la haayeen ammaanka xarumaha doorashada Soomaaliya .

Ilaa 50 xubnood oo boolis ah, kuwaas oo laga keenay saldhigyo kala duwan ayaa ka faa’iideystay wajigii hore ee tababarka, kaas oo dhacay 16 ilaa 30 December sida uu sheegay Thaimu Balie.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-1.jpg 2-1.jpg 3-1.jpg 4-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this