Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Xildhibaan qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16095302002426718.jpg?resize=392%

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka jubbaland ayaa caawa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Khaliif Haashim Nuur ayaa qarax loogu xiray gaarigiisa.

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Jubbaland uga tacsiyeeyay geerida ku timid xildhibaanka waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qarax lagu dilay xildhibaanka ka tirsan Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysto rayidka iyo mas’uuliyiinta.

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: Xildhibaan qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this