Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay weerar xoogan ku qaadeen bar-kontorool oo ciidamada dowladda ay ka leeyihiin qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka xigay, iyada oo haatan xaaladdu ay tahay mid dagan.

Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada Xoogga dalka & kuwa AMISOM ee gobolka Sh/ Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this