Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Puntland oo qado sharaf u sameysay madaxda ku sugan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qado sharaf u sameeyay Madaxda DFS, Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan Garoowe.

Qada sharafta  oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen Ku-Xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka DFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS Mudane Maxamed Mursal, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Garoowe kaga qeybgalay madasha aragti-wadaaga ee Heritage.

Halkan hoose ka daawo saawirrada:-

135411943_1086266005120252_6010864597933293045_o 134561921_1086267378453448_7988716563557552482_o 134769361_1086266088453577_7940072640345465597_o 135002926_1086267131786806_2130131693878086594_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this