Deeq A. Posted January 1, 2021 War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa aad loogu camaareeyey weerarkii ay kooxda Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadan, xilli uu ka soo degayey ra’iisul wasaaraha dalka Yemen iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerar seddex qaraxyo ah lagu beegsaday shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd (30 December) gegidda diyaaradaha ee Cadan ee Jamhuuriyadda Yemen, kaasi oo sababay geerida iyo dhaawaca tobaneeyo ruux oo rayid ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay xaqiijinaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Yemen, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada dhibanayaasha, iyadoo caafimaad-qab degdeg ah u rajaysay kuwa ku dhaawacmay.” Ku dhawaad 20-qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadan oo ah magaalada labaad ee dalka Yemen ugu weyn, xiligaas oo ay ka soo degeysay dowladda cusub ee lagu soo dhisay Sacuudiga. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites