Deeq A. Posted December 31, 2020 Dowladda Ingiriiska, ayaa xalay si rasmiya uga baxday Midowga Yurub oo ay ka tirsanayd mudda ku dhow 50-sano. Kadib 11 bilood oo lagu jiray Kal-guurka UK iyo Midowga Yurub, waxa sannadka cusub u curtay Ingiriiska oo gebi ahaanba ka baxay Midowgaas. Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso, si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore. Ingiriiska kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurubta kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Ingiriiska oo si rasmiya uga baxday Midowga Yurub appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites