Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ka dhex qarxay Masar & Talyaaniga oo sii xoogeysanaya+Arintay isku seegeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaaf ka dhex qarxay Masar & Talyaaniga oo sii xoogeysanaya+Arintay isku seegeen

italy.jpg

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa maanta canbaareyn dusha uga tuurtay waaxda dacwad oogidda guud ee dalka Masar kaddib markii sida ay sheegtay in dacwad lagu soo oogi waayay eedeysaneyaal lagu tuhunsan yahay jir dil iyo dil loo geystay arday u dhashay Talyaaniga.

Ardayda oo lagu magacaabi jiray Giulio Regeni ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda u ah dalka Masar lagu dilay sanadkii 2016-kii.

Dowladda talyaaniga ayaa ka cadhootay go’aan Arbacadii shalay kasoo baxay Dacwad oogeyaasha Masar oo lagu sheegay in aan caddeymo ku filan loo heynin maxkamadeynta dadka lagu tuhunsan yahay dilka ardaydaas, sidaas awgeedna aan wax tallaabo ah loo qaadi doonin dadwad soo oogidda.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Roma ayaa lagu sheegay in go’aanka Masaarida uu yahay “mid aan la aqbali karin”, iyadoo dalbatay in kiiska Regeni la gaadhsiiyo ilaa heer sare oo xitaa uu soo faragaliyo ururka Midowga Yurub.

Horaantii sanadkan ayey dacwad oogeyaasha Talyaaniga shaaciyeen magacyada afar ruux oo la rumeysan yahay in ay ku lug lahaayeen dilka Giulio Regeni.

Dilka Giulio Regeni ayaa dibadbaxyo ka abuuray gudaha dalka Talyaaniga
Dilka Giulio Regeni ayaa dibadbaxyo ka abuuray gudaha dalka Talyaaniga

Hase yeeshee waaxda dacwad oogidda guud ee Masar ayaa ku gacan seyrtay in la maxkamadeeyo afarta qof oo ka tirsan laamaha amniga.

“Ma jirto waqti xaadirkan sabab loo billaabo kiis dambi oo la xiriira dhacdada dilka iyo, xarigga iyo jir-dilka ah ee Giulio Regeni waayo xog lagama hayo dadkii arrintaas ku lugta lahaa, dambi baareyaashuna wali ma aysan helin caddeymo,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay waaxda dacwad oogista ee Masar.

Horaantii Bishan December ayey booliska Masaarida shaaciyeen in ay “si ku meel gaadh ah u xirayaan” baaritaannada la xiriira kiiskaas lagu raadinayay dadkii ka dmabeeyay dilka ardayga.

Sidoo kale waxay laamaha amniga beeniyeen in ay iyagu wax lug ah ku lahaayeen afduubka iyo dilka Regeni.

Qaahira ayaa geerida ardaygaas ku sababeysay arrimo kale oo ay ka mid yihiin in ay koox burcad ah weerareen ama loo dilay arrimo ku saabsan inuu ka mid ahaa dadka isku jinsiga ah ee gogosha wadaaga.

Laakiin Xukuumadda Rome ayaa ku gacan seyrtay sharraxaadahaas oo dhan.

Regeni wuxuu ahaa cilmibaare ka tirsan jaamacadda Cambridge, waxaana la sheegay in uu daraasad ka sameynayay ururrada ganacsiga Masar ee madaxa bannaan, arrintaas oo aysan raali ka ahayn dowladda Masar.

Geeridiisa ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuurtay dowladaha Masar iyo Talyaaniga. Dacwad oogeyaasha Talyaaniga ayaa saraakiisha Masar ku eedeeyay in ay caddaaladda marin habaabinayaan.

Meydka Regeni oo la jarjaray ayaa laga helay god ku yaalla meel u dhow waddo ka tirsan magaalada Qaahira
Meydka Regeni oo la jarjaray ayaa laga helay god ku yaalla meel u dhow waddo ka tirsan magaalada Qaahira

1-dii Bishan December ayey dacwad oogeyaasha Talyaanigu ku dhawaaqeen magacyada afarta qof ee lagu tuhunsan yahay dilka ardayga, kuwaasoo ay ku kala sheegeen Major General Tariq Saber, Colonel Aser Kamal, Major Magdy Sharif, iyo Colonel Hisham Helmy.

Balse Hamada El-Sawy, oo ah dacwad oogaha guud ee dowladda Masar ayaa gaashaanka u daruuray sheegashadaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga ayaa wacad ku martay in ay sii wadi doonto dadaallada kiiskan ku aaddan, ilaa laga gun gaadho runta ku saabsan dilka Giulio Regeni.

 

Waalidiinta Regeni ayaa dalbaday caddaalad
Waalidiinta Regeni ayaa dalbaday caddaalad

Cilmibaaraha ayaa la waayay 25-kii bishii January ee sanadkii 2016-kii, xilligaas oo ay ku beegneyd sanadk guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak.

Ciidamada amniga ayaa lagu daadiyay magaalada Qaahira, maadaama laga cabsi qabay in ay dhacaan xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira munaasabaddaas.

Meydka Regeni waxaa la helay 3-dii bishii February. Hooyadiis ayaa sanadkii 2018-kii baarlamaanka Talyaaniga u sheegtay in wiilkeeda jirkiisa aad loo jarjaray, ilaa heer ay iyada kaligeed ku aqoonsatay qeybta kore ee sanakiisa.

Dowladda Talyaaniga ayaa rumeysan in Regeni uu ku dhintay gacanta booliska Masar, inkastoo eeddaas ay iska fogeysay xukuumadda Qaahira.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this