Deeq A. Posted December 31, 2020 Baydhaba (Ra’yi) — Hadalkii uu shalay Axmed Madoobe, Madaxweynaha Maamulka Jubaland, ka yiri shirka Garoowe ka socda wuxuu la yaab ku noqday dad badan oo u haystay inuu yahay hoggaamiye danta Soomaaliyeed ilaaliya. Wuxuu sheegtay inuu xudduudd dheer la wadaago Keenya. Ma laba dal baa soohdin wadaaga mise beel iyo dal? Axmed Madoobe wuxuu si fudud isugu loogay dadka ku eedaynayay inuu midiidin siyaasadeed u yahay Keenya. Ka hor hadalkiisa wax cad may haynin hase ahaatee hadaliisuu wuxuu noqday hub siyaasadeed Axmed Madoobe siiyaay dadka dhaliishan siyaasaddiisa. Madaxxweyne Amed wuxuu sheegay inuu isku dayay inuu xafiis wakiil Jubaland ay leedahay uu ka furo Nayroobi. Wuxuu Safiirii Hore Soomaaliya u joogay Keenya, Jamaal Xasan ( Wasiirka Qorsheynta hadda) ka codsaday inuu meel ka siiyo safaaradda si xafiiska wakiilka u noqon doona Jubaland uu meeshaas ugu shaqeeyo. Axmed Madoobe wuxuu aamminsan yahay inuu soohdin dheer la wadaago Keenya. Haddii waqtigu ahaan lahaa 2013kii waa looga garaabi lahaa Axmed kala garan waaga shaqada safaarad iyo kaalinta maamul federaal marka lala xiriirayo dal kale. Siyaaasadda Soomaaliya wuxuu ku soo jiray in ka badan siddeed sano. Waxay dad badan filayeen in xogtaas uusan shirka la iman doonin waayo waxay shaki ku ridday murrashixiinta, oo qaarkood ahaayeen madaxweynayaal hore. Taas waxa aan ka dhicin dhanka siyaasad xumida hadalkii uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni isna shalay ku muujiyay sida uu uga xun yahay in maamulka hawada Soomaaliya loo soo wareejiyo Muqdisho. Goobta uu sidaas ka yiri waxaa fadhiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shaqo badan ka qabtay in xafiiska maamulka hawada laga soo raro Naryoobi waayo Soomaaliya waxay karti u leedahay qabashada hawsha. Guul weyn oo muujinaysay horumarka siyaasadeed ayay ahayd in maamulka hawada loo soo wareejiyo Muqdisho. Shirka Heritage Institute uu abaabulay wuxuu shaki ku kala riday dad Garoowe u wada yimid inay hal meel uga soo wada jeestaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, laakiin waxaa u caddaatay iyaga inaysan hore isu soo calool-xaaranin. Sawirka soo baxay waa in Dowladda Federaalku hadda u taagan tahay ilaalinta qarannimada Soomaaliya, kooxaha isku tilmaamay mucaaradkana inay u taagan yihiin wax ka hooseeya qarannimada Soomaaliya. Cali Ciise Maxamed (Caleey) The post Ma Laba Dal Ayaa Soohdin Wadaaga Mise Dal iyo Beel? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites