Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaadir oo ku guuleysatay tartankii dowlad goboleedyada ee 2020

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16094265137019888.jpg?resize=720%

Xulka kubbadda cagta gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee 2020, markii ay gool kulaadyo uga adkaatay xulka Galmudug.

Ciyaarta kamadambaysta tartankan ayaa galabta garoonka Eng.Yariisow ee Muqdisho ku dhexmartay xulalka Banaadir iyo Galmudug, waxaa wakhigii caadiga ahaa (90-kii daqiiqo) ku dhammaaday 2:2.

Gool kulaadyo labada xul ay isla aadeen ayaa gobolka Banaadir guushu ku raacday 3:0, markii xulka Galmudug laga qabtay saddexdii gool kulaad ee ugu horreysay.

Waa markii ugu horreysay oo xulka Banaadir uu ku guuleysto tartanka kubbadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo saddex jeer la qabtay ayaa la bilaabay 2016, markaas oo ay ku guuuleysatay Puntland, 2017 waxaa qaaday Jubbaland, halka 2020 ay ku guuleystay Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Banaadir oo ku guuleysatay tartankii dowlad goboleedyada ee 2020 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this