Deeq A. Posted December 31, 2020 Ciidamada Booliis ah ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minasota ee dalkaasi ku dilay nin Somali ah. Wararka ayaa sheegaya in Booliiska ay rasaas oogan ku fureen gaari uu watay ninkaasi oo marayayey Minneapolis oo ka mid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin Soomaalida. Taliyaha ciidamada Booliiska ee Minneapolis oo ka hadlay dilka muwaadinkaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaariga uu watay ay ciidamada kaga soo dhacday rasaas kadibna ay iyaguna rasaas ugu jawaabeen, waxaana kaddib isla goobta ku geeriyooday ninkaasi Soomaaliga ahaa oo aan ila iyo hadda la shaacin magaciisa. Sidoo kale taliyaha Booliiska ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay natiijada beri soo bandhigi doonaan. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya toogasho muddooyinkii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhaceysay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi Mareynkanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites