Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Minneapolis oo toogasho ku dilay wiil Soomaali ah – Sidee wax u dhaceen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Minneapolis (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay wiil Soomaali ah, taasi oo horseeday dibad-baxyo.

Booliiska ayaa la sheegay inay rasaas oogan ku fureen gaari uu watay ninkaasi oo marayayey Minneapolis oo ka mid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin Soomaalida.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee Minneapolis oo ka hadlay dilka muwaadinkaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaariga uu watay ay ciidamada kaga soo dhacday rasaas kadibna ay iyaguna rasaas ugu jawaabeen, waxaana kaddib isla goobta ku geeriyooday ninkaasi Soomaaliga ahaa oo aan ila iyo hadda la shaacin magaciisa.

Sidoo kale taliyaha Booliiska ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay  natiijada beri soo bandhigi doonaan.

Waxaa sidoo kale goobta lagu dilay muwaadinkaaasi Soomaliyeed oo ah wadada Siger iyo leg-street isugu soo baxay dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo aad uga xumaaday dilka maruumka, iyaga oo dalbanayey in uu cadaalad helo.

Si kastaba dilkan ayaa qeyb ka noqonaya toogasho muddooyinkii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhaceysay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi Mareynkanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this