Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaartooyda Kooxda Koonfur Galbeed Oo Kulan Sagootin Ah Loogu Sameeyay Magaalada Muqsisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiradda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ee deegaan doorashooda tahay Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kulan sagootin ah Magaalada Muqdisho ugu sameeyay ciyaartooyda Koonfur Galbeed ee ku haray heerka Afar dhamaadka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

2Z2A7116.MOV.04_23_58_12.Still001-1024x5

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda Koonfur Galbeed shaqadii wanaagsaneyd ay sanadkan ku soo bandhigeyn xidigaha Koonfur Galbeed.

2Z2A7117.MOV.04_24_25_09.Still001-1024x5
Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Najax ayaa u mahad celiyay doorka ay sanadkan muujiyeen madaxda Dowladda Ferdaalka Soomaaliya ee deegaan doorashooda tahay Koonfur Galbeed,wuxuuna sheegay in sanadaha soo aadan ay ku guulaysan doonaan koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

2Z2A6970.MOV.03_13_06_14.Still001-1024x5

“Waxaan u mahad celinaynaa kaalinta quruxda ay sanadkan soo bandhigeyn ciyaartooyda Koonfur Galbeed,hadii aanu nahay madaxda Dolwadda Fedraalka waxaan diyaar u nahay horomarinta iyo dhiirigelinta ciyaartooydeena,sidoo kale waxaan u mahad celinayaa taageerayaasha Koonfur Galbeed kaalinta ay ka qaataan guulaha ciyaartooydeena” ayuu saxaafadda u sheegay Wasiirka Xanaanada Iyo Xoolaha Soomaaliya mudane Xuseen Sheekh Xuseen.

2Z2A7112.MOV.04_20_46_19.Still001-1024x5

Daawo Warbixin Ku Saabsan Sagootinta Kooxda Koonfur Galbeed

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this