Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Xuseen “Waan U Mahadcelinaynaa Ciyaartooayda Koonfur Galbeed”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa bogaadiyay wax qabadka wanaagsan ay sanadkan muujiyeen kooxda Kubabdda Cagta Koonfur Galbeed ee ka qeyb gashay tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

2Z2A7112.MOV.04_20_46_19.Still001-1024x5

“Ciyaartooyda Maamulka Koonfur Galbeed waxay sharaf u soo hooyeen dadka dagan  guud ahaan Maamulkeena,waxaan Hambalyo lee yahay Macallimiinta iyo laaciibtii soo hooyay guushaas” ayuu Wasiir Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen ka sheegay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay kooxda Koonfur Galbeed.

2Z2A7146.MOV.05_20_19_13.Still001-1024x5

Wasiir Xuseen ayaa dhanka kale u mahadceliyay taageerayaasha kooxda Koonfur Galbeed sida diiran ay ugu qeyb galeen kulamadii ay ciyaartooyda Koonfur Galbeed ku ciyaareen garoonka Eng.Yariisow ee Magaalada Muqdisho,isagoo intaa ku daray in ay taas muujinayso isku jaceylka isku xirnaanta ka dhaxaysa bulshada dagta guud ahan Maamul Koonfur Galbeed.

MVI_0104.MP4.00_00_08_13.Still001-1024x5

Daawo Wasiir Xuseen Oo U Mahdceliyay Ciyaartooyda Koonfur Galbeed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this