Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen A/Madoobe, Cabdi Xaashi iyo musharraxiinta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xalay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ku dhex-maray xubno ka tirsan Midowga Musharraxiinta, madaxweynaha Jubbaland, guddoomiyaha aqalka sare, xildhibaanno iyo senataro ka soo kala jeeda Jubbaland iyo Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka dalka oo dhinacyadaasi ay ka muujinayaan walaac xoogan, iyaga oo diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashooyinka.

Afhayeenka midowga musharraxiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey kulankaasi, isaga oo shaaciyey inay dhinacyada kala duwan ee kulanka isugu yimid ay kulmisay duruufta ka dhalatay doorashada dalka ee 2020/2021.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen labo qodob oo kaliya oo ay horey walaac uga muujiyeen, kuwaas oo kala ah hab maamulka guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi iyo sidoo kale ciidamada dowladda dhexe ay ku heyso gobolka Gedo.

Ugu dambeyn Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay, haddii aan xal mideysan laga gaarin dooda ka taagan doorashada inay meel dheer ku sii dhaceyso rajada ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan in dalkan uu horay u sii socdo, si loo sii hormariyo.

Si kataba mas’uuliyiintan kala duwan ee Garoowe ku shiray ayaa magaaladaasi u tegay ka qeyb-gala madasha aragti wadaaga ee sanadlaha ah oo looga hadlayo xaalada dalka.

133797631_1942326585908233_8411022340875 133873774_1942326669241558_6508022074196 134102900_1942326592574899_9151211593888 134180957_1942326629241562_8893730242104

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this