Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhul-gariir ku dhuftay waddanka Croatia

Recommended Posts

Deeq A.   
1-50.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1Burburka dhul-gariirka

Ilaa  7 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen, in ka badan 20  kalena waa ku dhaawacmeen, dhul-gariir shalay ka dhacay bartamaha waddanka Croatia ee qaaradda Yurub.

Dhul gariirka oo cabbirkiisu yahay 6.4 magnitude ayaa laga dareemay dhowr waddan oo deris la ah Croatia, waana marki labaad oo muddo laba maalin gudaheed uu dhul-gariir ka dhacayo Croatia.

Kooxaha badbaadada ayaa guryaha burburay hoostooda kasoo bixiyay dhowr qof gudaha magaalada Petrinja iyo deegaannada u dhaw dhaw. Ciidamada millatariga ayaa loo diray aaggaasi si ay dadka u caawiyaan.

Meelaha kale ee laga dareemay dhul-gariirka ayaa waxaa ka mid ah caasimadda Croatia ee Zagreb iyo caasimadda Austria ee Vienna halka dalka deriska la ah ee Slovenia uu xiray warshadda kaliya ee niyukleerka sameysa, si looga dhowrsado khasaare uu sababo dhulgariirka.

PUNTLAND POST

The post Dhul-gariir ku dhuftay waddanka Croatia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this