Sign in to follow this  
Deeq A.

Furitaanka Madashii Garowe oo Dib U Dhac Ku Yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii machadka Heritage 2020 ee lagu waday inuu galabta ka furmo Garowe ayaa dib u dhacay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta machadka Heritage, waxaana uu si rasmi ah furmi doonaa maalinta bari taariikhdu tahay 30 December 2020-ka.

Shirka ayaa waxaa la sheegayaa inuu u baaqday hoolkii loogu talo galay inuu ka furmo oo martida qaadi waayey waxaana la sheegay in loo wareejiyey hoolka jaamacadda PSU ee,magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan marti kala duwan oo ka socota musharaxiinta, maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii dalka uu doorasho qof iyo cod ah ku gaari lahaa sanadka 2025-ka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this