Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Xizbullah Oo Helay Hub Ay Ka Cabsi Qabtay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Lubnaan)-Hoggaamiyaha ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in kooxdiisa ay hadda haysato laba laab tirada gantaallada la hago ee ay haysatay sannad ka hor, islamarkaana isku dayo ay Israa’iil kaga hortageysay inay hubkaas helaan uu fashilmay.

Hassan Nasrallah, oo wareysi siiyay taleefishinka saldhiggiisu yahay Beirut ee Al-Mayadeen, ayaa sheegay in kooxdiisa ay awood u leedahay inay weerarto meel kasta oo ka mid ah Israa’iil iyo dhulka la haysto ee Falastiin.

Nasrallah ayaa sheegay in markii ay Israa’iil ugu hanjabtay Xizbullah, ayada oo usoo marineysa sarkaal Mareykan ah, inay weerereyso xarumo ku yaalla gobolka bari ee Bekaa, ay kooxdiisa ka digtay inay aargudan doonto.

Israa’iil ayaa bilihii tegay walaac ka muujisay in Xizbullah ay dhiseyso warshad soo saarta gantaalada la hago.

Intii uu socday wareysiga, ayaa Nasrallah waxa uu sheegay inay jiraan arrimo badan oo kooxdan ku saabsan oo ayna Israa’iil waxba ka ogeyn, sababt oo ah ayuu yidhi “aad ayaa loo qariyaa.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in toddobaadyada xilka uga hadhay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwa xasaasi ah, oo ay tahay in taxaddar leh loola macaamilo. Waxa uu Trump ugu yeedhay “mid waalan oo cadheysan.”

Nasrallah ayaa mar kale wacad ku maray in Iran iyo xulufadeeda ay ka aargudan doonaan dilkii taliyihii guutada Quds ee ciidammada ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Qassim Soleimani, kaasi oo Mareykanka ay ku dileen Iraq, bil ka hor.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this