Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare?

Recommended Posts

Deeq A.   
2-31.jpg?resize=1000%2C617&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay hoyga uu Garoowe ka degay ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa sida wararku sheegayaan waxay ka wada-hadleen xal u helidda Khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashada 2020/2021, gaar ahaanna Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland.

Waxa jirta in Guddoomiye Xaashi uu si adag u diiddanyahay, Guddiga dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday Doorashada Xildhibaannada Labada Gole ee laga soo doorto Somaliland, islamarkaana uu dalbaday in la kala diro Guddigaas.

Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxa la sheegay in ay ka midaysan yihiin Ra’yiga la xiriira kala diridda Guddiga soo dooranaya Xildhibaannada heer Federaal ee ka yimaada Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this