Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ay ku dhinteen dad shacab ah oo ka dhacay Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay miino la kacday gaari nooca raaxada oo ay la socdeen dad shacab ah oo xalay fiidkii hore ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya.

Gaariga ayaa ku sii jeeday degmada Dhoobley ee isla gobolkaasi, waxaana khasaare u badan dhimasho uu ka soo gaaray rakaabkii saarnaa baabuurkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaas oo kala ahaa wadaha gaariga, haweeney umul ah, wiil ay dhashay oo jiray 2-bilood iyo labo kale oo la socotay gaariga, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Dhoobley Maxamed Xasan Uleex.

Jubbaland ayaa ku eedeysay qaraxan inay ka dambeysay Xarakada Al-Shabaab oo inta badan weeraro qaraxyo ah ka fuliso gobollada Jubbooyinka ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this