Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor-Qoor Oo Hambalyo U Diray Ciyaartooyda Iyo Macallimiinta Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa hambalyo dhiiri-gelin u soo diray ciyaartooda iyo macallimiinta kooxda Kubbadda Cagta Galmudug ee marki ulu horeesay gaaray Fiinalaha Tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,wuxuuna Madaxweyne Qoor Qoor qoraalka uu soo dhigay barahiisa bulshada ku sheegay in cyaartooydiisa ay sameeyeen taariikh weyn.

Galmudgg.mp4.00_01_33_04.Still002-1024x5

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xulka kubbadda cagta Galmudug oo guul taariikhi ah ka gaaray ciyaaraha Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ee ka socda Muqdisho, isla markaana u gudbay Final-ka.

122219010_3407993735904297_6167530899570

Waxaan ciyaariyahanada Dowlad Goboleedka Galmudug ku ammaanayaa guusha iyo magaca ay usoo hooyeen Galmudug” ayuu barahiisa bulshada ku soo daabacay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Sequence-206.00_00_24_07.Still002-1024x7

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid Ayaa “Dhanbaal Hambalyo ah Hawada umariyay ciyaartoyda,Macaliminta,maamulka,Wasaaraha Dhalinyarada iyo ciyaaraha Galmudug guusha taarikhda ah oo ey ka gaaren ciyaarta ay la ciyaaren dhigooda Puntaland,Waxaa Dowladda iyo shacabka Galmudug usoo hoyseen Guul taarikhi ah shacabka iyo madaxda Galmudugna Garabkiina ayay taagan yihiin” ayuu isna bartiisa ku soo daabacay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

122652823_3424016250968712_8323933560547

“Hambalyooyin diiran xulka kubadda cagta Galmudug, waa guul u qalanta shacabweynaha Galmudug iyo koobkii oo kaabiga noo saaran,Hambalyo taageerayaasha xulka Galmudug, macallinka iyo maamulka kooxda, xiriirika kubadda cagta Galmudug iyo wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha, dadaal midaysan oo wadajira ayaa guulaha isdaba-joogga ah horseedey” ayuu isna barahiisa bulshada ku soo Qoray Wasiirka Amniga Galmudug ahna Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi.

Sequence-206.00_02_14_23.Still005-1024x7

“HAMBALYO GUUSHA LIBAAXYADA GALMUDUGta USOO GUDBAY FINALKA KOOBKA CIYAARTA GOBALADA DALKA  WAXA AAN  SUGNAABA WAA KOOBKA IYO DHUSAMAREEB. GUUL & GOBANIMO” ayuu barahiisa ku soo daabacay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Sequence-206.00_01_39_24.Still004-1024x7

Daawo Fariimaha Hambalyada Ee Madaxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this