Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix Su’aalood oo Ku Socda Murrashax Daahir Maxamuud Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20201228-114308.jpg?resize=Run soo raagtay: Murrashax Daahir Maxamuud Geelle wuxuu aamminsan yahay in Soomaalidu aysan runta isu sheegin.

Garoowe (PP) — Daahir Maxamuud Geelle markii lagu soo dhoweeyay Garoowe wuxuu qabtay shir jaraa’id. Lixda su’aalood ee soo socda waxay ku saabsan yihiin qodobbadii uu Daahir dul istaagay intii uu shirka jaraa’id socday:

1- Mudane waxaad xustay in loo baahan yahay run. Dowladda hadda jirta Wasiir baad u soo noqotay; dowladdii ka horreysay Safiir baad u ahayd. Waa maxay runta hadda aad keligaa ku baraarugtay? Miyaysan dadka Soomaaliyeed garan karin marka siyaasi been u sheego iyaga?

2- Waxaad ku doodday in odaynimadu ka soo billaabato Madaxtooyada (Villa Somalia). Sidee Madaxweyne uu Maamul Federaal ka dalbanayo inuu ciidanka qaranka ka soo saaro Gedo taladiisu u shaqeyn kartaa?

3- Waxaad ku celcelisay “Annaga”. Waa kuwee “Annaga”? Soomaaliya ma laha xisbiyo. Maxaa kuu diiday inaad tiraahdo “Aniga” oo waxa aad u taagan tahay sheegto? Ma ka fekertay farriinta siyaasadeed oo silloon ay “Annaga” direyso xilligan?

4- Sidee u aragtaa in Maamul Federaaleedyadu heshiis la saxiixdaan dowlado iyo shirkado shisheeye? Ma sharci baa heshiisyada kaabayaasha qaranka Soomaaliyeed loogu wareejiyay shirkado shisheeye ah oo dowlado shisheeye leeyihiin?

5- Maxay dowlad ay soo dhisaan hoggaamiyeyaal la soo tijaabiyay kaga duwanaan kartaa dowladda hadda xilka haysa?

6- Miyay habboonayd in maamulkii Madaxweyne Shariif iyo maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh ay raadiyaan lacagaha Soomaaliya kaga xanniban bangiyada shisheeye, Soomaaliya oo aan lahayn dowlad dalka oo dhan ka wada talisa?

© Puntland Post, 2020

The post Lix Su’aalood oo Ku Socda Murrashax Daahir Maxamuud Geelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this