Sign in to follow this  
Deeq A.

Sadex Qof oo lagu dilay Waabari ee Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Rag hubeysan ayaa Rasaas ooda uga qaadey goob Dad dhowr ah ku sugnaayeen , Waxaana isla goobtii ku naf baxay Sadex Qof halka Qof kale uu dhawac soo gaaray, Falkuna wuxuu ka dhacay Xaafada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Warar waxaa jira sheegaya in la qabtay mid kamida Dadkii weerarka geystay balse lama xaqiijin warkaas.

Macada Sababta ka dambeysay iyo Cida geysatayba weerarka, dhanka kalena Dadka la toogtay iyana lama xaqiijin iney Shacab yihiin iyo in kale, Waxaase jira Warar sheegaya in Sedexda Qof ee la diley iyo kan dhawacmayba ay ahaayeen Ciidanka Dharcadka ah.

Qofka dhawacmey waxaa loola cararay Isbitaalka Xaaladiisana lama oga ilaa hada.

Qof ka agdhowaa goobta toogashadu ka dhacdey oo Rayid ah ayaa Puntlandi u sheegey in Rasaas badan ay goobta ka dhacdey.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Sadex Qof oo lagu dilay Waabari ee Magaalada Muqdisho appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this