Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin Qarax Ka Dhacay Jowhar, Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle , ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw uu ka dhacay Qarax.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hotel Macalow ee magalada Jowhar.

Qaar ka mid ah goobjoogayasha goobta uu qaraxa ka dhacay oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qaraxa aysan ka dhalan saameyn nafeed, balse ay wax yeelo ka soo gaaray Xoolo ka agdhawa goobta uu qara ka dhacay.

Wararka aan ka heleyno ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ka war heleen ciidamada AMISOM , isla markana intii aysan soo gaarin goobta uu qarax dhacay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this