Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo si adag uga hadlay dagaalkii degmada Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii khasaaraha dhaliyey ee dhowaan ka dhacay degmada Kaaraan, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Cumar Filish ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalkaasi iyo in xilligan lagu kor dagaalamo dadka shacab ah, isaga oo tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay halkaasi.

“Waxaan rabaa inaan uga tacsiyeeyo dadkii halkan ku dhintay,qof walba waxaa laga rabaa Midka Qoriga wata ee dadka baadaya inuu ka hortago,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay leedahay awood ay uga hortagto dagaalladaasi, balse wuxuu ugu baaqay waxgaradka magaalada Muqdisho, gaar ahaan shacabka ku dhaqan Kaaraan inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi, si looga baaqsado dagaal kale oo ka dhaca egmadaasi.

“Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda,” ayuu sii raaciyey guddoomiye Filish.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka kala tirsan talisyada milatariga iyo booliiska ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this