Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka magaalada Jowhar oo fashiliyey qarax miino

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay ciidamada ammaanka HirShabelle ay howl-gallo ka sameeyeen magaalada Jowhar ee gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa saraakiisha hoggaamineyso ay sheegeen in lagu xaqiijinayey amniga guud ee magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in howl-galladaasi ay ku soo qabteen illaa saddex nin oo ay sheegeen inay wateen qarax miino iyo bistoolad, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle.

Dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsan HirShabelle lagu dhaawacay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla bartamaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this