Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime Axmed Tigaana oo u hambalyeeyey Ciyaartoyda Puntland,

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Puntland Axmed Cabdala Tigaana oo sabab u ahaa Horumarka iyo Aasaaskii Xulka kubada Cagta Puntland oo iminka ku sugan Muqdisho lana socda Kooxda Kubada Cagta Puntland ayaa kooxda u hambalyeeyey isagoo si sidaas le’egna ugu hambalyeeyey kooxda Kubada Cagta Galmudug.

Agaasime Tigaana wuxuu sheegay in Labada kooxoodba ay soo bandhigeen Ciyaar wanaag isla markaasna ay jireen dhowr qalad oo laga galay kooxda Puntland qaladaadkaasna uu dusha uga tuuray Garsoorihii Ciyaarta.

Axmed Tigaana wuxuu kamid yahay Shaqsiyaadka waxtarka weyn u leh Horumarinta Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Puntland, Wuxuu saldhig u yahay heerka Sare ee ay gaareen Xulka Kubada Cagta Puntland tobankii sano ee u dambeysay oo Tigaana uu qaybta kaahaa.

Agaasime Tigaana wuxuu Isagoo ku sugan Garoonka Ciyaartu ka dhacdey uu u mahad celiyey taageerayaasha Kooxda Kubada Cagta Puntland.

Puntlandi.com Garowe

Axmed Cabdalla Tigaana waa Aabaha Ciyaaraha Puntland, Wuxuu mudan yahay biladAxmed Cabdalla Tigaana waa Aabaha Ciyaaraha Puntland,Wuxuu mudan yahay bilad

The post Agaasime Axmed Tigaana oo u hambalyeeyey Ciyaartoyda Puntland, appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this