Sign in to follow this  
Deeq A.

Gulmudug oo Gaartay Finalka Tartanka Maamul Goboleedyada Markii Ugu Horeysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhaw garoonka kubadda cagta ENG yariisow ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeyay kulan ciyaareed xiisa badan kaas oo ka tirsan tartanka kubadda cagta maamul gobaleedyada dalka.

Ciyaartan oo ay u soo daawasha tageen in ka badan 30,000 tageerayaal ah ayaa waxa uu ahaa Semi-finalka tartanka waxaana wada ciyaaray xulalka maamulada Galmudug iyo Puntland .

Labada maamul ciyaartoydoda oo soo bandhigay inii uu kulanka socday ciyaar wanaag , ayaa waxa ciyaartu ay guusha ay ku raacday maamuka Galmudug oo dhigiisa Puntland kaga adkaaday 2:1.

Maamulka Galmudug ayaana si rasmi ah u xaqiijiyay sanadkan in uu soo gudbay Finalka tartanka kubadda cagta maamul gobaleedyada dalka .

Ciyaartooyda xulka Galmudug ayaa waxa ay sugi doonan maamulada Banadir iyo Koonnfur galbeed oo beri galab wada ciyaari doono.

Waana taariikhda markii ugu horeeysay ee xulka maamulka Galmudug ay u soo baxaan Finalka tartanka maamul gobaleedyada dalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this