Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo Digniin kulul u Diray Gen.Khalifa Haftar,kuna Hanjabay……

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkiga oo Digniin kulul u Diray Gen.Khalifa Haftar,kuna Hanjabay……

 

Wasiirka Gaashaandhiga ee wadanka Turkiga Halusi Akar ayaa Digniin kulul u diray General Khalifa Hafta iyo taageerayaashiisa oo dagaal kula jira dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya.

Wasiirka-1.jpgWasiirka Gashaandhiga Turkiga Hulusi Akar

Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Turkigu ay bartilaameedsan doonto ciidamada iyo taageerayaasha Gen Haftar meel kasta oo ay aduunka ka joogaan haddii ay isku dayaan inay weeraraan ciidamada Turkiga ee ku sugan gobolka.

Hadalkan ayuu wasiirku jeediyay mar uu maanta booqday ciidamada Turkiga ee ku sugan caasimadda Liibiya ee Tripoli .

Dowladda Turkiga ayaa teegeero dhaqaale iyo mid milateri siisa dowladda liibiya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigoodu yahay Caasimadda Tripoli, taasi oo dagaal kula jirta xoogaga Gen Haftar oo gacanta ku haya bariga wadanka Liibiya.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this