Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Mursal iyo Axmed Karaash?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hoygiiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Mr. Karaasha iyo Guddoomiye Mursal ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka dalka, waxayna si gaar ah diirada u saareen Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ku sugan wafuud kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo halkaas uga qeyb galaya Madasha doodaha machadka Heritage oo halkaas ka furmaya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

133060179_1082404225506430_1050101202666 133545837_1082404132173106_7385883266751 133697119_1082404262173093_6884201790288 133930695_1082404182173101_8139103869083

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this