Deeq A. Posted December 27, 2020 Saraakiil ka tirsan milateriga wadanka Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen Keymaha Boni oo ka tirsan Lamu. Ciidamada ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen deegaan ay ku dhuumanayeen dagaalyahanadaasi oo horey loogu eedeeyay inay weeraro ka fuliyeen xadka Somalia. Sidoo kale mid ka mid ah Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay qabteen ciidamada, iyada oo la sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan Booliiska Kenya. Sarkaal ka tirsan milateriga Kenya ayaa sidoo kale sheegay in howl-galkooda ay ku soo furteen qalabka is-gaarsiinta, rasaas iyo waxyaabo kale oo wateen ragga ay dileen. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ujeedka howl-galkoodu uu ahaa sidii ay uga jawaabi lahaayeen sarkaal ka tirsan maamulka Wajeer oo qoorta looga jaray Waqooyiga Bari. Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa xaalado ammaan darro laga dareemayey deegaano dhaca xadka Soomaaliya & Kenya oo ay weeraro ka fulitaan dagaalyahanada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites