Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo saxiixay Xeer muhiim ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya ee sharci lambar 18 oo la soo saaray 26-kii bishii 12-aad 2019 islamar ahaantaana noqon doona xeer lagu dhaqan-geliyo sharciga shirkadaha kaasi fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.

Kulanka lagu saxiixayey Xeer-nidaamiyaha, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sh. Bagadi, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, la-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo markii uu saxiixay sharcigaan ka dib, la hadlay warbaahinta, ayaa ka waramay ahmiyadda uu xeer-nidaamiyahani u lee yahay ganacsiga Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax soo saarka iyo maal-gashiga sidoo kalena uu yahay sharci horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha wadanka.

Wasiirka sido kale tilmaamay in xeer-nidaamiyahani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsatadu adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iyaga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda shaqo ku sugan.

Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-gelinaayo sharciga Shirkadaha Soomaaliya oo muhiim u ah fududeynta iyo horumarinta ganacsiga, ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana si wada-jir ah iskaga kaashaday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda *IFC) kaasi oo gebo-gabadiina ku soo dhammaaday si guul ah.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

132426008_2802519589987767_6267466760305 133575438_2802519939987732_5464919196068 132426008_2802519589987767_6267466760305 133901138_2802519809987745_6242557719889 133855141_2802519556654437_6106313070578 133791660_2802519633321096_8249178942752 133763164_2802519506654442_9022295580485 133683738_2802519886654404_5241435895397 133628009_2802519726654420_4020075036628 133579261_2802519763321083_5736556065155 133575438_2802519939987732_5464919196068 133222391_2802519966654396_9158013541331

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this