Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump Oo Diiday Inuu Saxeexo Qorshe Muhiim U Ah Shacabka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Malaayiin shacabka Mareykanka ah ayaa si ku meel-gaadh ah u lumiyay macaashka shaqo la’aanta kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku guuldareystay inuu saxeexo sharciga gargaarka ee loo yaqaan ‘ gargaarka Covid ‘ si loo dhaqangaliyo.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ka digay “cawaaqib xumo” haddii Mr Trump uu sii wado dib u dhigista saxeexa laakiin xilligii loo qabtay oo Sabtidii shalayahayd ayaa hadda la dhaaftay.

Faa’iidooyinka ay heli lahaayeen dadka shaqo la’aanta ah ayuu arrinkan saameyn doona.

Lacag gaadhaysa $ 900bn (£ 665bn) ayuu Koongaraska ansixiyay kadib bilooyin wadahadalo adag iyo tanaasul ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka fiidnimadii Sabtida, Mr Trump wuxuu mar kale difaacay mowqifkiisa ku aaddan arrinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this