Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Suleymaan oo farriin u diray musharraxiinta mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa weerarka afka ah ku qaaday midowga musharraxiinta ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada M/ Muqdisho.

Siyaasigan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dooda musharraxiinta mucaaradka ay tahay mid aan sax aheyn, islamarkaana hannaanka doorashada horey heshiis mideysan looga gaaro, si ay dalka uga dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday walaaca ay musharraxiinta ka muujinayaan guddiyada doorashooyinka dalka, wuxuuna sheegay in marka hore looga baahan yahay inay qaataan shahaadada musharaxnimada, kadibna ay tahay in la tix=geliyo cabashadooda gaarka ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli ay dood adag ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashada soo socota, taas oo ay isku marin la’yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this