Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay ururada bulshada rayidka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan wadatashi ah oo ku addan doorashooyinka la qaatay ururrada Bulshada Rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee urrurada Bulshada, Culima’udiinka iyo dowladda, ayaa isla markaana looga wadatashanayay tallooyinkooda ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka warbixin faah faahsan ka siiyey dadaallada xukuumadda ee ku addan qabsoomidda doorasho xasilloon, isagoona sheegay in booqashooyinkii uu ku tagey Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ujeedkoodu ahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah ee SONSA Mudane Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isla meel dhigeen dhowr qodob oo saldhiggoodu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta jawi nabdoon, iyadoo la ilaalinayo heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay la wadaageen tallooyin wax dhisaya, iskuna afgarteen in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dhaawacaya nabadda iyo horumarka dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

5c154fa2-491e-4a18-a45a-b1a100b0d413.jpg 6f603eb0-080e-4793-ae9d-932249c28806.jpg 7aec2e73-95fc-43a8-8d2e-b55d2a6fd4b5.jpg 10ed6bc3-5686-4309-b46e-b51c95bd31cc.jpg 413b9425-6f4b-4d6b-a05d-1119b8602c1d.jpg 546e6db9-c82b-4d74-ab55-1efb85d95706.jpg 3789ed64-347d-487d-8794-920bda2db0ee.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this