Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Ayaa Kulan Dhiiri Gelin U Sameeyay Ciyaartooyda Kooxda Kubbadda Cagta Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Munasaabadan lagu waynayay u soo bixitaanka kooxda Kubbadda Cagta Galmudug ee wareega Afar dhamaadka tartanka Maamul Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir 2020 ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho,waxaana kulankan soo abaabulay Madax ka tirsan Dowladda Fedraalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada kala duman ee Maamulka Galmudug.

MVI_0299.MP4.00_00_00_01.Still001-1024x5

Tababare Ku Xigeenka Kooxda Galmudug Cabdifataax Taatiko ayaa u mahad celiyay madaxda soo agaasintay kulankan,isagoo sheegay in sanadkan yoolkooda u yahay in ay tiigsadaan kaalinta kowaad.

MVI_0336.MP4.00_00_57_16.Still001-1024x5

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire ayaa sheegay in ay sanadkan ka go’antahay horomarinta iyo kor u qaadida xirfadlayaasha kooxda Galmudug,qof kasta oo ka soo jeeda Galmudugna uu ugu mahad celiyay kaalinta uu ka qaatay heerka maanta la taaganyahay.

MVI_0337.MP4.00_00_25_11.Still001-1024x5

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan oo isna ka hadlay munasaabada ayaa waxa uu sheegay in da’daalkooda ay sii laba jaarayaan,hadafakeena uu yahay in Galmudug ay soo saarto dhalinyaro tayo wanaagsan oo wax ka badasha goolaha Xulka Qaranka Dalka.

MVI_0340.MP4.00_02_12_20.Still001-1024x5

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maamulka iyo ciyaartooyda Galmudug u balan qaaday abaal marin qaali ah,hadii ay u soo baxaan kama dambeysta tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

MVI_0341.MP4.00_09_16_17.Still001-1024x5

Si kastaba munaasabadan ayaa waxa ay ku soo aadaysaa markii ay ciyaartooyda Galmudug ayaa kaalinta kowaad ugu soo baxeyn Group A,tartanka Maamul Goboleedyada,iyagoo sanadkan la yimid wax qabadka ka duwan sanadihii 2016 iyo 2017.

Sequence-176.00_04_06_10.Still003-1024x7

Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulanka Loo Sameeyay Kooxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this