Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Duqa Gaalkacyo oo shaqada laga joojiyay laguna bilaabay baaritaan musuq maasuq

Recommended Posts

Deeq A.   
1-41.jpg?resize=653%2C654&ssl=1Duqa Gaalkacyo Saahid Sayn

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta oo Sabtiya shaqa-joojin ku sameeyay Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Dhabancad, ayaa lagu caddeeyay in Shaqa-joojinta Duqa Gaalkacyo ay timid, kadib markii uu soo baxay tuhun la xiriira in uu musuq maasuq ku sameeyay Dhaqaalaha degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale, Hanti-dhawrka guud ee dowladda Puntland aya baaritaan ku bilaabay, tuhunka ku saabsan musuq maasuqa lagu eedeeyay duqa Gaalkacyo, si loo xaqiijiyo haddii uu musuq maasuq sameeyay.

Gudoomiye ku xigeenka Gaalkacyo Maxamed Cabdinaasir Cigaal, ayaa lagu amray in uu shaqada sii wado, inta uu socdo baaritaanka la xiriira musuq maasuqa ee shaqada looga joojiyay Duqa Gaalkacyo, sida ku cad Wareegtada Wasiir Dhabancad.

Shaqa-joojin.jpg?resize=1000%2C1241&ssl=

PUNTLAND POST

The post Puntland: Duqa Gaalkacyo oo shaqada laga joojiyay laguna bilaabay baaritaan musuq maasuq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this