Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax ku soo qulqulaysa Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1608980079603.jpg?resize=720%2C64

Wufuud ay kala hoggaaminayaan guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Wufuuda waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale.

FB_IMG_1608980246330.jpg?resize=720%2C48

Sidoo kale Garowe waxaa maanta soo gaaray qaar kamid ah musharaxiinta doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.

Wafuuda kala duwan ee maanta yimid Puntland iyo kuwo la filayo in ay maalmaha soo socda soo gaaraan Garowe oo ay kamid yihiin madaxda dowlad goboleedyada, ayaa dhammaantood ka qeybgeli doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garowe-na ka furmaysa 29 bishan December.

FB_IMG_1608981269599.jpg?resize=720%2C54

Madasha Heritage waxaa looga doodi doonaa xasilinta dalķa, dhameystirka dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida nidaam federaal oo shaqeynaya.

FB_IMG_1608980238126.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1608980829245.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1608980864988.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1608980845788.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1608980851617.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1608980871623.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1608980858086.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1608980895745.jpg?resize=720%2C49 FB_IMG_1608980906715.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Madax ku soo qulqulaysa Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this