Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddoonka labada aqal ee BF Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa maanta gaaray guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka ee Soomaaliya, oo sii diiran loogu soo dhoweeyey halkaasi.

Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa garoonka Garoowe ku soo dhoweeyey madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah ka qeyb-galka madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo dalka, Garoowana ka furmaya todobaadkan.

Sidoo kale waxaa maamulka Puntland saacadaha soo socda ku wajahan qaar ka mid ah musharraxiinta mucaaradka oo iyana ka qeyb-galaya doodaaasi, sidoo kalena kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo doorashada ka bilaabaya gudaha magaalada Garoowe.

Xaaladda siyaasadeed ayaa ah mid cakiran, iyada oo weli muran uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka oo ay isku hayaan dowladda & mucaaradka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

133430021_1082197782193741_2881024574286652449_o 132446450_1082191642194355_5270273508551948376_o 132513156_1082197682193751_4864811208281191091_o 132847827_1082191762194343_3174437706520369301_o 132913056_1082197842193735_3988209803176750926_o 133043195_1082191568861029_794977678742733514_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this