Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu ahaa Sixiroole

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun dil toogasho ku fulisay Maxamed Sidiiq Xuseen oo ay ku eedeeyeen inuu ahaa Sixiroole.

Marxuumka ayaa gelinkii damb e shalay lagu dilay fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Ceel Cadde oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfyrta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay ninkaasi ku sugnaa xubno sar sar oo ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne fara badan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab oo goobta ka aqriyey xukunka dilka ah ee lagu fuliyey ninkaasi ayaa sheegay inuu qirtay dambiga lagu soo eedeeyey, islamarkaana uu dhibaato weyn ku hayey bulshada, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa inta deegaanada ay gacanta ku hayso ee koonfurta iyo bartamaha dalka ka fulisa xukuno u badan dilal toogasho ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this