Sign in to follow this  
Deeq A.

Kalfadhiga 11aad ee Baarlamaanka HirShabelle oo furmay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka 11aad Kal-fadhiga 1aad ee Baarlamanka dowlad Goboledka Hirshabeelle oo uu shir Guddoominayey, Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ajandahiisu waxa uu ahaa dhageysiga warbixinada Saraakiisha Hay’adaha amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Saraakiisha Kala ah Taliyaha Nabad Sugida dowlad goboleedka Hirshabeelle Gaashanle dhexe Cabdikarin Cumar Kulmiye, Iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeellada Dhexe Gaashanle Aadan Yarow ayaa maanta Baarlamanka uga warbixiyey Arrimaha Amniga iyo qorshayaasha ku saabsan sugida Amniga.

Kulankaan oo Saxaafada ay Dibad Joog ay  ka aheyd, si waafaqsan Xeer Hoosaadka Baarlamanka ayaa Xildhibaanada waxay weediiyeen  Saraakiisha maanta hortimid Baarlamanka su’aalo kusaabsan xaaladaha Amniga.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

c886fd4b-75c8-4788-967f-177862a30bd8-1-1 e0feca43-2d38-4139-9c0f-5b9fbdaa1ecf-102 ea87cbaf-2f97-4936-b354-9ffa5a3bbdc8-102 fe86cdd1-b07e-499c-950a-b5e1676f5ffe-1-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this