Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo xariga ka jaray qeyb lagu kordhiyay Isbitaalka Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor),  oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise, Mas’uuliyiinta maamulka gobalka Mudug iyo kan dagmada Gaalkacyo ayaa xariga ka jaray qeybo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo kaas oo baahi weyn loo qabay, waxaana dhismaha iyo dayactirkeeda  gacan ka geysatay hay’adda (NRC ) iyo dowladda Jarmalka .

Munaasabada xarig jarka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale iyo guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyagoo uga mahadceliyay Hay’adda  (NRC) iyo dowladda Jarmalka kaalinta ay ka qaateen in lagu soo kordhiyo isbitaalka qeybo kala duwan oo baahi loo qabay, waxaana tilmaameen  in baahi weyn loo qabay baalaarinta iyo dayactirka lagu sameeyay qeybta Hooyada iyo Dhallaanka Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo .

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise ayaa mahadcelin ka dib xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay ka waxqabashada baahida dhanka Caafimaadka ee ka jirta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa u mahadceliyay Hay’adda  (NRC)  iyo dowladda Jarmalka, isagoo sidoo kalana xusay in dowlada goboleedka  Galmudug ay xoogga saari doonto qalabeynta iyo dhameystirka qeybtaan lagu soo kordhiyay Isbitaalka Galkacyo.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

0bfc6b1c-ae99-4455-8707-2c7e0677c5f6.jpg 2cdbffb2-e40b-48ab-b1ef-69eeb3d894b5.jpg 3e703e2d-f17a-45ff-8ac5-a40dc4f92d1f.jpg 6fd26d4a-0b0f-418d-9905-9c7dbcecadd2.jpg 8e8958bc-7e2e-4161-90eb-70acc727f41d.jpg 037a5b78-eace-48bf-8acc-dda614ff48af.jpg 55e74985-80a1-4349-8475-4d639d9789af.jpg 82d9ed61-22da-4b88-9c8f-2a7e4bb7230f.jpg 644cd6cd-1b6d-41d3-ba2a-ee61762db479.jpg 667a945d-f99b-4777-ab4d-48019642f321.jpg 1184e260-5465-4802-bb35-128bb4232c80.jpg 1930bc77-e2fc-4f45-ad72-18acde22a9c0.jpg 472407c7-1bc2-4550-8723-617ef886b42c.jpg 02091532-1549-4416-bf8b-4ab45109e3ea.jpg 2295341f-156f-40d1-8774-790608ef1812.jpg 02382391-ada2-461a-ab66-84ed2f5c175e.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this