Deeq A. Posted December 26, 2020 Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Nabadoon Cabdi Siyaad Geeddi oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in xilliga la tooganayey marxuumka uu ku sugnaa suuqa Ariga ee degmada Dayniile, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey dilkaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ammaanka Muqdisho ayaa deganaa marka loo eego qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, waxaana howl-gallo ka waday ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites