Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo boggaadisay howl-gallada ka socda Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Genaraal Maxamed Tahliil Biixi oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Taliyaha ciidamada dhulka oo booqasho ku joogo Dhuusamareeb ayaa marka hore boggaadiyey howl-gallada ay ciidamada huwanta  ka wadaan Galgaduud & Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka go’an tahay sidii looga adkaan lahaa dagaalyahnada Al-Shabaab oo weli ku xoogan koonfurta & bartamaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, qeybtooda 21-aad iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ay xoojiyeen howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada dhexe ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this