Deeq A. Posted December 26, 2020 Wasiirka maaliyadda xukuumadda FS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlayey warbaahinta ayaa xusay in wasaaraddiisa iyo hay’adaha kale ee dawliga ah ee u xilsaaran ilaalinta hantida dawladda ay ka shaqaynayaan in aan si qaldan loogu adeegsan doorashada soo socota ee dhaceyasa dhamaadka sanadkan 2020 iyo ka xiga ee 2021-ka. Beyle ayaa sheegay in qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan beesha caalamka iyo dawladda 27-da bishan si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey ilaa 40-milyan oo Doller, islamarkaana dawladdu bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doller, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da. Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada. “Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hanaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu yiri wasiir Beyle. Ugu dambeyn wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa beeniyey hadal dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, wuxuuna tilmaamay in aanu jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliya la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha kale uu wanaagsan yahay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites