Sign in to follow this  
Deeq A.

JABUUTI Oo Guddi Xaqiiqo Raadin Ah U Dirtey Xadka Soomaaliya Iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti oo loo xil saaray inay hakiso khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa wafti xaqiiqo raadin ah u dirtay xadka labada dal ee magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa warbaahinta u sheegay in wafti ka socda Jabuuti – oo isugu jira diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan loo diray xadka kala qeybiya Beledxaawo iyo Mandheera, si ay xaaladda ugu soo kuur galaan.

Kooxdaas ayaa laga dhowrayaa inay xog kula noqoto Jabuuti, iyadoo halkaas laga sii amba qaadi doono dadaalka iyo tallaabada xigta.

“Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka,” ayuu yidhi wasiirka.

Tallaabadaas waxay ku timid shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee Isniinta toddobaadkii hore lagu soo gabo gabeeyay magaalada Jabuuti, kaasoo ay isku arkeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo qiratay in cadaadis lagu saaray in ay aqbasho dib u dajinta xiisadda, ayaa sheegtay in ay dalbatay in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro xadka, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland laga soo abaabulay gudaha Kenya, ayna ku sugan yihiin xadka Mandheera ee dhinaca kale.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay walaac xooggan oo laga qabay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ku dagaallamaan xadka u dhaxeeya Beledxaawo iyo Mandheera.

Waxaa lagu soo warramay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo geysay magaalada Beledxaawo, halka ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland ay iyaguna dhinaca kale ku sugnaayeen, iyagoo taageero ka heysta milatariga Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this